Dalka Iswiidan oo
dartaada u xoog
badan
Hadda waa doorkaaga.
Waa sidan aan u qorshaynay inaan Iswiidan kuu adkeyno.

Dalka Iswiidan oo dartaada u xoog badan
Xilliga dayrta ee sannadkaan waxaad heli doontaa fursad aad kaalin ka geysato jihada uu waddankeena u dhaqaaqi doono. Waxaan ballan qaadaynaa isku xirnaan ee ma ballanqaadayno kala qaybsanaan. Waxaan ballan qaadaynaa maalgelin ee ma ballanqaadayno hoos u dhac. Awoodda dalka Iswiidan muddo dheer ayaa hoos loo dhigay, laakiin waxaan hadda rabnaa inaan dartaada dib u soo celino awoodii u dalka Iswiidan lahaan jiray.
Haddii aanu nahay xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga Bulshada (socialdemokrater) waanu qaadanay darsigeenna waxaana dib ugu laabanay asalkeenna. Muddo sad-dex sannadood ah waxaan ku hawlanayn xallinta dhibaatooyinka waayahan dambe jira iyo in aan dalka Iswiidan u diyaarinno xaaladaha adag ee uu dalku wajihi karo. Hadda waxaan nahay xisbi aan daahsoonayn oo ay hawlgalladiisa firfircoon yihiin. Iyadoo ujeedada ay tahay horumarinta nolol-maalmeedka shaqaalaha sida xoog-gan u shaqeeya iyo in la xoojiyo wadajirka bulshada.
Hadda waa doorkaaga.
Sanado badan oo dalka la tacaalayay sicir-bararo aad u sareeya, qiimaha raashinka oo aad u badnaa iyo dhimista canshuuraha ee dadka dalka ugu taajirsan kadib, waxaa hadda la gaaray doorkii dadka caadiga ah ee shaqaysta isla markaana qaata mushaharrada caadiga ah. Siyaa-sadeenna waxay suurtagelin doontaa in sagaalkii ba toban qof u dhaqaale fiican helo.
Waxaan rabnaa in aan la dagaallanno tirada shaqo la’aanta ee aad sare ugu kacday. Qof kasta oo shaqeyn kara waa inuu shaqo helaa. Dalka Iswiidan wuxuu u baahan yahay siyaasad lagu kobciyo horumar casri ah. Maalgelinta heer-nololeedka heerka sare ah iyo la jaanqaadka isbeddelka cimilada waxay ka dhigan yihiin in ay shaqooyinka badan dalka ka abuurmaan.
- Muddada u caymiska hirgelin ee cadaalad-darrada ah waa in la ciribtiraa.
- Qofka adigoo kale ah oo noloshaada oo dhan soo shaqeeyay waa in loo kordhiyaa lacagaha hawlgabnimada.
- Waa in cadaadis adag la saaro bangiyada iyo shirkadaha waaweyn ee raashinka.
- Waa in qiimaha korontada ee sarreeya laga hortaga.
- Waa in kaalmo-dhaqaaleedka carruurta (barnbidrag) la kordhiyaa, tan kale waa in dhallinyarada daryeelka ilkaha lacag la`aan lagu siiyo.
Waa in mar kasta uu amnigaaga sugan yahay oo aad hesho taageero iyo caawinaad iyadoo fiirogaar aan siinayn halkaad nolosha ka taagan tahay. Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in la kordhiyo tirade shaqaalaha goobaha adeegya-da caafimaadka, iskuullada iyo xannaanadaha si ay waqti kugu filan kuugu helaan.
Gunnada iskuullada waa in aan lagala wareegin, tan kale macallimiinta waa in waqti ku filan la siiyo oo ay ku maareeyaan carruurta gacmahooda kor u qaada iyo kuwa aan marna u qaadin ba. Hamnigaynna wuxuu yahay in aan kordhinno maalgelinta daryeelka waayeellada, in laga warhaayo in ay shaqaalaha helaan waxa ay u baahan yihiin iyo in ay ku hadli karaan af-iswiidishka, waayo waa inuu qofka xasillooni ku dareemo in uu Iswiidhan ku gaboobo.
- In la gaabiyo waqtiyada sugitaanka ee daryeelka caafimaadka.
- Kordhinta tirada macallimiinta iskuullada.
- In dadka ka ganacsado iskuullada iyo goobaha xannaanada laga mamnuuco faa'iidooyinka.
- Kordhinta shaqaalaha goobaha waayeellada lagu xannaaneeyo iyo in shaqaalaha aqoonta luqadda shuruud looga dhigo.
Dembi-fallada waxay ku soo dhowaanayaan nolol-maalmeedka dadwaynaha, sidaas darteed xaaladaha gaarka ah oo halista ah waxay u baahan yihiin qaab cusub oo lagula dagaalamo. Waxaan rabnaa in aan fiirogaar siinno dhallinyarada halista ugu jira ku biirista iyo anagoo kaashanayno sharciga burcadka aan xabsiyada dhigno hoggaamiyeyaasha kooxahaas.
Hanjabaadyada waxay sidoo kale nooga yimaadaan dibadda. Sidaas darteed waa in awoodda militari ee dalka Iswiidan si degdeg ah loo dhisaa, iyadoo islamarkaana aan rabno in qaybaha muhiimka ah ee bulshada la xoojiyo, sida tareenada, goobaha adeegy-ada caafimaadka, korontada iyo sahayda raashinka. Si aan u sugno amniga dalka Iswiidan, waxaan diyaar u nahay inaan sameyno wadashaqayn siyaasadeed oo ballaaran.
- Difaacno dimuqraadiyadda dalka Iswiidan iyo qaab-nololeedkeenna.
- Waa in difaaca guud la xoojiyaa.
- La dagaalanka dambi-fallada iyo waxa sababa.
- Iyadoo la kaashanayo sharciga burcadka ayaa hoggaamiyeyaasha kooxaha xabsiga loo taxaabayaa.
- Dalka Iswiidan waa in laga ciribtiro degmooyinka dambi-fallada ku badan yihiin.
Siyaasadeena ku aaddan meelaha kale waxaad ka akhrisan kartaa barta interne socialdemokraterna.se
Waa salaaman tahay,
Anigu dalkayga Iswiidan waan jeclahay, laakiin muddo aad u dheer dalka wuu kala qaybsamay wuuna sii daciifay. Xaaladaha dadka shaqooyinka adag qabta way ka sii dareen.
Anigu waxaa ii qorshaysan in daraadaada aan dalkan mar kale u xoojiyo. Waxaan rabaa in aan dhiso oo aan xoojiyo wadashaqaynta dhalisa natiijooyin sare loogu qaado tayada nolol-maalmeedka dadwaynaha. Maadaama waayahaan dambe aan la hubin sida mustaqbilka uu noqon doono, muhiimad dheeraad ayay leeda-hay in dalka Iswiidan waxa danta u ah wax kasta laga hormariyo.
Qof kasta wax kasta kama ballanqaadi karo. Laakiin maadaama aan ka soo gudubnay sanado badan oo adag, hadda waa doorkaaga iyo doorka qoyskaaga. Waa ballanta aan kaa qaadi karo.
13:ka bisha sebtembar waxaad heli doontaa fursadda kala doorashada. Waxaan rabaa kalsoonidaada aan dalka Iswiidan ku hoggaamiyo, taasoo ii suurtagelin doonto in aan mar labaad dhiso dal awood leh.
Magdalena Andersson
%20(2)%20Ska%CC%88rmavbild%202026-04-14%20kl.%2017.32.35.png)
%20Ska%CC%88rmavbild%202026-04-14%20kl.%2017.32.44.png)
%20s_ikon_Spargris.png)
%20Skold.png)